Duqa Caasimadda oo kormeeray goob ay mashaariic kala duwan ka waddo dowlada hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa maanta kormeeray  gooba ay dowlada hoose Xamar ka fulineysay mashaariic kala duwan oo ku aadan horumarinta Caasimadda.

Kormeerkan waxaa Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini,  waxaana howlahan booqasho ay qeyb ka yihiin mid uu maamulka gobolka ku xoojinaayo adeegyada lagu horumarinaayo Caasimadda.