Zambia Doorashada madaxtinimada dalkaasi ayaa loo dareeray

Malaayiin kamid ah shacabka dalka Zambia ayaa Khamiistan maanta ah u dareereya goobaha codbixinta doorashada madaxtinimada dalkaas xilli ay jirto mushkulad dhaqaale oo aad u daran.

14 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, ayaa ku tartamaya xilka ugu sareeya dalka dhaca Afrikada Koofureed.

Booliiska iyo militiriga ayaa lagu baahiyay guud ahaan dalka, si ay u sugaan amniga goobaha codbixinta.

Madaxweynaha talada haya ee Edgar Lungu ayaa raadinaya in mar kale dib loo doorto, isagoo mucaaradad xoogan kala kulamaya Hakainde Hichilema, oo ah hogaamiyaha xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka dalka Zambia.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid aad muhiim u ah Zambia, iyadoo dadka ka qeybgalaya doorashadan u badan yihiin da’yar doonaya horumar dhaqaale iyo fursado shaqo oo wanaagsan.

Guddiga doorshada, waxaa balan qaaday in ay qaban doonaan doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.