Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo iska caabiyay weerar argagixisada ku soo qaaday deegaanka Cadakibir

Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab, ayadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in jab xooggan ay kala laabteen halkaas.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo.

Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaannada hoostaga ka soconaya.