Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka 5-aad aa ee Guutada 16 aad iyo Ciidanka Daraawiishta iyo Nabadsugida Jubbaland oo Isgarabsanaya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabab ka fuliyey Deeganno ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha hoggamineysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Shan kamid ah Al-Shabaab, isla markaana ay ku qarxiyeen miinooyin gaaraya lix, kuwaas oo ay wadada ku aaseen Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Ciidamada ay deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah Beerxaano,qoloshimbi, sariiraha, dharkayn urur, yaaqcaleen, yaaq dabayl, iyo kuwa kale.

Deegaannada ay Ciidamada howlgalka kula wareegeen ayaa waxaa ay Dhamaantood ku yaallaan duleedka Magaalada Kismayo, waxaana dhowr jeer lagu weeraray Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka ayaa waxaa ay sheegeen inay Howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saarayaan degannada iyo Degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.