Madaxweyne Dani oo kulan la qaatay guddiyada doorashada iyo xubnaha cusub ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa madaxtooyada ee Garowe ugu sameeyay hab maamus guddiga doorashadda heer Federaal kan dowlad goboledka ee Puntland iyo 11-ka mudane ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee DFS.

Kulankan waxaa kaloo ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday maamulka Pontland.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanagsan ,waxaa la isku dhaafsaday hadallo la xiriiray mahadnaq iyo dadaalkii loo soo galay ka miro dhalinta hannaanka doorasho ee Aqalka Sare.