Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxay Dalka Kenya, kadib markii uu Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkisa waxaa ku wehliya xubna katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan  Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Kenya inta uu joogo Nairobi.