Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo war ka soo saaray qoondada Haweenka ee matalaadda Siyaasadda

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saareen qoondada haweenka ee mataaladda Siyaasadda, ku sheegay inay laga maarmaan tahay in la xaqiijiyo in haweenku matalaad dhab ah ay ku yeeshaan kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Maaddaama haweenku ay matalaaan bulshada in ka badan 50%,

Qoraalka ayaa lagu xusay in Guddiyada doorashooyinka dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay fulinta Heshiiska ku saabsan qoondada haweenka ee 30% ee Baarlamaanka.

Heshiiska ayaa ahaa mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyey ee muhiimka ahaa ee loo qaaday sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen matalaad habboon iyo ka-qaybgalka siyaasadda .