Booliska Jubbaland oo loo tababaray amniga doorashooyinka iyo xakamaynta dadka

Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka.

Tababarkaan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeybgalay15 sarkaa  oo ka tirsan Booliiska Jubbaland,kuwaasc oo iyaguna sii tababari doona ciidanka .

Tababarkaan mudadii uu socday waxaa lagu qaatay maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta,qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dadweynaha iyo xakamaynta dadka. .