Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo Muqdisho ka daah-furtay aqoon is weydaarsi ku saabsan qaab dhismeedka Istaraatijiyadda xalka Waare

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa maanta uga furmay magaalada Muqdisho aqoon is weydaarsi ku saabsan Istiraatiijiyadda Qaranka ee xalka Waara 2020 – 2024 ee Qaab dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta Istiraatiijiyadda. Tababarkaan ayaa waxaa ka qeyb galay 43  qof  kuwaas oo ka kala socda  Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda Fedederaalka, dowlad gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tababarkaan oo loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta iyo awoodda xirfadda kormeerka iyo qiimeynta fulinta  Istiraatiijiyadda Xalka Waara si looga gun gaaro barakaca baahsan ee Dalka.

Tababarkaan oo socon doona muddo 9 beri ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka asagoo kaashanaya taageerada Baanka Adduunka (World Bank) iyo Urur Goboleedka (IGAD).