Shil diyaaradeed oo ka dhacay Giriigga

diyaarad nooca dab-damiska ah ayaa ku burburtay jasiiradda Giriiga ee Zakynthos ee Giriigga xili ay ku jirtay hawlgal dab damin ah sida ay sheegeen saraakiisha masuuliyiinta deegaanku.

Lama oga sababta keentay shilka diyaaradda waxaana duuliyihii uu baxsaday isagoo aan dhaawac halis ah qabin, sida uu sarkaal booliis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Giriigga ayaa lix maalmood la tacaalayey dab ka kacay deegaano ka tirsan iyadoo kumanaan qof ay ilaa hadda daad –guraysay Dowladdu.