Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynayaashii hore ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi ah oo ku adaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxaa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.