Wafdi ka socda Guddiga Xalinta khillaafaadka Doorashooyinka oo ku wajahan Dhuusamreeb

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khillaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibraahim Barre  iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan Dowlad gobolleedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta khillaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7-xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb.