Wasaaradda Shaqada oo beri fasaxday guud ahaan shaqaalaha dowladda bilowga sanadka cusub ee Hijriga 1443

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , waxay ku wargelinaysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah inay fasax yihiin maalinta Isniinta 9 bisha August 2021, oo ku aaddan bilowga sannadka cusub ee Hijriga 1443.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali oo hambalyo u diraya dhammaan Shaqaale-waynaha Soomaaliyeed , ayaa u rajeeyay inay camal wanaagsan uga faa’iideystaan maalintaa muhiimada u leh muslimiinta.