Dowladda Faransiiska oo Soomaliya ugu deeqday Tallaalka Covid19.

Dowladda Faransiiska ayaa Soomaliya ugu deeqday 108,000. Oo ah talaalka Oxford/AstraZenece ee looga hor tago caabuqa Covid19,talaalkan oo maanta soo gaaray Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ayey Dowladda Faransiisku soo marisay xarunta “ COVAX,UNICEF,CEPI iyo Gavi”.

Safiirka Dowladda Faransiiska u fadhiya Soomaaliya mudane Kuster- Menager ayaa yiri “Dowladda Faransiiska, Midawga Yurub iyo xarunta iskaashiga ee COVAX waxay diyaar u yihiin in ay gacan wayn ka gaystaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada kor uqaadida helida tallaalka Soomaaliya, si hawl-wadeenada safka hore kaga jira la dagaalanka caabuqa Covid-19 uga badbaadaan iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed“

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Dr fawziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in imaatinka tallaalkani kusoo aaday xili uu sii kordhayo wejiga saddexaad ee xaalada fiditaanka Covid19 iyadoo xustay in sida quree looga hor tegi karaa tahay dadweynuhu inay qaataal tallaaalka,wasiirka ayaa xustay in Illaa iyo hadda, tiro lagu qiyaasay 186,094 qof oo ku nool Soomaaliya ayaa qaatay talaalkoodii kowaad halka 92,792 ay qaateen talaalkoodii labaad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaliya ayaa ugu dambayn uga mahadcelisay Dowladda faransiska deeqdan caafiimaad ee ay soo gaarsiisay Soomaliya