Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku aaddan howlaha u qabsoomay, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa sidookale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenka ay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.