Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaliya oo garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey dhigiisa Kenya

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda kenya Raychelle Omamo, ayaa soo gaartay caasimadda Soomaliya ee muqdisho wasiirada ayaa waxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey dhigeeda arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiiradda arrimaha dibedda Kenya ayaa inta ay booqashada ku joogto Soomaliya kulan la qaadan doonta wasiirka arrimaha dibedda Soomaliya  iyagoo ka wada hadli doonaa xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo arrimaha la dagaalanka Argagixisadda.