Gudidda hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen

Doorashada Guddoonka Gudidda hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi/Soomaliland oo ka qabsoontay Teendhada Afisyoone ayaa goor dhowed la soo gabo gabeeyey iyadoo Guddoomiyaha Gudidda cod gacan tag ah loogu doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xgeenka gudiddana loo doortay Nagiib Xuseen Samaale.

Madasha doorashada ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamuud Maxamed “ Cumar Filish” Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed Jeneraal Xijaar, xubnaha gudidda doorashada Heer federal iyo warbaahinta qaybaheeeda kala duwan.