NINBA TAAGTII HA TALLAABSADO

Waa oraah si aad ah u soo can baxday xilliyadii dagaallada iyo qalalaasuhu ka jiray dalka oo wax walba xoog ku xirnaayeen laakiin hadda waa ka duwan tahay marka loo eego xaaladda tartan doorasho oo dalku maanta ku jiro.

Tani xoog kuma xirna oo xusl duubka maanta ee jagooyinka dalka waxay ku xirnaan kartaa sifooyin kale oo aan xoog ku dhisneyn una badan waxqabad iyo sumcadda qofku ku leeyahay bulshada iyo sida loogu aamnin karo xil qaran .

Waxaa jira xusl duub kala duwan oo soconaya laakin waxay ku soo biyo shuban kartaa maxaad qaban kartaa ee maaha ku imaanysa kala xoog iyo awood badni ama xoog isugu faanid.

Sida look ala hufan yahay oo look ala aqoon badan yahay ayaa mudan in la eego oo lagu saleeyo xulashada dadka doonaya in ay wax noqdaan.

Bulshada waxaa u wanaagsan in ay xushaan qofka ay ku tabayaan waxqabad iyo in uu ka fekerao danahooda mana aha in ay qofka ku xushaan hannaan qaabiil taas oo aan in badan soo kordhin doonin..

Xulashada waxay waxay u baahan tahay ka fiirsasho iyo marka hore hore in qofka laga eego in uu buuxin karo shuruudaha shacabku ka rabo ee ka horreeya waxa uu isaga rabo.

Ma aha tartamada doorashooyinku in ay noqdaan is xag xagasho iyo dood mid kale laga horgeeyey waase isu tanaasul iyo in la aqbalo natiijo kasta oo lagala kulmo shar iyo kheyrba.

Ma noqoneyso un loo arko wax la kala boobayo oo xoog iyo itaal loo adeegsado waase in lagu raadiyo xushmad laga dhex sameysto dadka si cod iyo kalsooni looga kasbado.

Wixii aad xeelad ku weysid ogow in aan lagu kasban Karin xoog iyo itaal lagu faano oo la isu muujiyo laf weyni ama waxa soomaalidu u taqaan laandheerenimo taas oo muujineysa in caqliyad wanaagsan aan lagu shaqeyn.

Waxaan habbooneyn in xulashada loo arko wax lagu kala awood weyn yahay waase in loo arkaa wax ku dhisan kalsooni abuur iyo nidaam sharciyeed oo aan cidla ku tagri fali Karin si kasta oo ay awood u sheegato.

Itaalkaada meel kale ku adeegso ee ha u isticmaalin masiirka ummadeed wax ku dhisan oo dadku u siman yahay waase haddii aad ku fikireyso danta guud oo aadan ka fekereynin taada oo akliya .

Ka warran haddii wax aad xaq u leedahay lagaa qaado side u oggolaan laheyd haddii taas ay dhab kaa tahay adna ha doonin in aad ku xad gudubto xaqa dadka oo dhan waayo masiirku waa xaqa shacabka adigu gaar uma lihid .

WQ: Mohamed Hassan