DAL WALIBA WAA DADKIISA

Ma ka fikirtay dalalka caalamka sida ay kala yihiin, kuwo waa qani, kuwo waa faqiir, kuwo waa barwaaqo, kuwana dadka dhibaato ayey ku jiraan, kuwo waa nabad, kuwana dagaallo iyo qalalaase ayaa dilooday.

Waxaa la dhihi karaa kala duwanaanshaha waxaa sabab u ah dabeecadaha dadka dalalkaa inkastoo waxyaabo Rabbaani ah ay jiraan laakiin inta waxaas oo dhan waxaa loo nisbeyn karaa dadyowga dalalka qaarkood oo aan u bisleyn hiigsiga dalalkooda ama aan u soo jeedin ama arkaya oo keliya horumarka dalalka kale oo aan tooda u indho furneyn.

Waxaa la isweydiin karaa dalalka hore u maray ee dhaqaalahooda iyo noloshoodu sarreyso sida ay ku gaareen, ma iyaga oo gacmaha isu dulsaaran yihiin ayey heerkaas ku tallaabsadeen ? Maya , gacamaha isuma saarneyn dabcan way soo halgameen waxayna soo qaadeen waddooyin dhib badan oo qodaxyo badan daadsan yihiin, laakin adiga qodxahaas ma rabtid in ay ku duraan waxaadse rabtaa in si raaxo leh aad ku heshid horumar hore loo soo sameystay oo loo soo dhididay.

Waxaad rabtaa gaari qurxoon iyo guri weyn, xaas iyo ilmo qurxoon laakiin in aad dhibaatootid ma dooneysid waxaadna rabtaa wixii dalka lagu dhisi lahaa in adiga keligaa aad ku raaxeysatid oo aad ku hormartid.

Soomaalida waxay ku fekeraan dal qurxoon oo aanay laheyn in ay nolol qurxoon oo dhib la’aan ah ka helaan laakiin ma oga in dalkaas dadkiisu sidaas ka dhigteen oo quruxsadeen iyagana dal la quruxsaday oo dalkiisu ka shaqeeyey ayey rabaan in ay kula daartaan koodiina waa baaba’san yahay mana rabaan in ay dhistaan.

Dalkaaga oo aad dhisato oo hagaajisato waxaad kaga maarmi kartaa gacan hoorsi iyo raadinta ceyrta baryada lagu helo iyo weki in dalka laga gudbiyo xumaan oo dhan si loo yiraahdo soomaaliaya ma aha meel lagu noolaan karo ee dadkeeda ha loo gargaaro.

Meel kale adigoon dayin sow hoos uma eegi kartid xaaladda dhabta ah ee aad ku sugan tahay , adigoo gurigaada nadiifin waayey oo xaaqi waayey guri kale oo aadan laheyn in aad xaaqeyso ma lagaa filan karaa, taas haddii aad is moodsiiso runta ma rabtid oo waxaad dooneysaa in aad been ku noolaatid.

Soomaalida walahow kuma noolaan karto waana in ay xaqiiqda u soo laabataa oo ay iska illaabaan riyada ay ku jiraan kana baraarugaan humaagga beenta ah ee ay ku dhex nool yihiin.

Dhar aadan laheyn dhaxan kaama celiyo ayey soomaalidu tiraahdaa hadana wey beeneynayaan oo waxay rabaan dhar aysan laheyn in ay dhaxan ka huwadaa taasna ma aha wax sax ah oo dhici kara.

Ogow dalkaada adiga ayaa wax ka dhigi kara ama sumcaddiisa dili kara , dal walba inta dadaalka dadkiisu le’eg yahay ayuu la ekaadaa.S

WQ : Mohamed Hassan