Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku baaqay in dadkoodu ay ka baxaan Afganistaan

Maamulka Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Afganistan ayaa maanta oo sabti ah ku baaqay in muwaadiniintooda ka jooga halkaasi ay si dhaqso ah uga baxaan dalkaasi.

Safaaradda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “ waxaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan dalka Afghanistaan ugu baaqeyna inay si deg deg ah uga baxaan dalka iyagoo raacaya duulimaayada ugu soo horeeya”.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay inay xaddidantahay caawinaadda ay bixini karto safaaradda sabab amni oo jira aawadeed .

Sidoo kale, Safaaradda Ingiriiska ee Kabul ayaa muwaadiniinteeda kula talisay inay si dhaqso ah uga  baxaan Afghanistan.

Safaaradda ayaa ka codsatay muwadiniinteeda jooga Afghansitaan inay lasoo  xiriiraan safaaradda si loo qorsheeyo amba bixidooda.

Dalka Afghanistaan waxaa bilihii ugu danbeeyay ka socday dagaal xoog leh oo u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Daalibaan kadib markii Mareykanka iyo xulafadiisu sheegeen inay kala baxayan ciidamadii ka joogay dalkaas.