SOOMAALIDU FADHI KU DIRIRKA MAXAY KA HELAAN?

SOOMAALIDU FADHI KU DIRIRKA MAXAY KA HELAAN?

Marka aad soo gasho gaadiidka dadweynaha ..marka aad labo ilaa saddex qof ku noqotaan gaari gaar ah oo aad wadataan..marka aad geed yar ku hoos nasaneysaan..maarka aad maqaayad fadhisaan oo shaaheysaan ama qadeyneysaan…mar kasta waxaa jiraya qof bilaabaya dood fadhi ku dirir ah.

Doodaas mar walba waxay ku saleysan tahay hadal heynta siyaasadda ugu badan ee xilligaas waxayna dad badan galisaa xamaasad qaarkoodna waa isku xiiqaan.

Maxamed Axmed weli oo ah aqoonyahan wax badan u soo joogay ayaa ii sheegay in xilligii sagaashameyadii ay ahaayeen xilligii fadhi ku dirirku u shaqeyn jiray sida baarlamaanka oo qofba kan uu kaga wanaagsan yahay dooddad fadhi ku dirirka lagu tixgalin jiray.

“Kuraasta goobaha fadhi ku dirirka waa la kala lahaan jiray ..waxaana jiray dad la sugu jiray inta ay giibta imaanayaan oo xogaha iyo falanqeynta caan ku ahaa” ayuu yiri.

Inta badan dadka soo bandhiga doodaha fadhi ku dirirka waxay ku dhegan yihiin oo taageero indho la’aan ah u hayaan dad ay qaraabo ahaan ama qabiil ahaan siyaasadda ugu garbeynayaan waxayna dadka kale ka gadaan fekerkooda..mararka qaarna meel qaraar ayey la gaartaaa oo waxay dadka kale ku sandulleeyaan in fikirka ay gadayaan la qaato.

Doodahan waxay aad u badan yihiin xilliyada siyaaasaddu kacsan tahay..khilaafyo ay jiraan ama xubno cusub xil ay helaaan ama ay raadinayaan.

Sidoo kale marka xiisadaha qabaai’ilka ay jiraan lama waayo fadhi ku diriro heyb heyb isu heysta oo mararka isku daya in ay dadka kale marag gashadaan oo doodooda u soo bandhigaan.

Doodaha fadhi ku dirirku marna ma dhammaadaan waxaana lagu kala tagaa iyagoo weli su’aalo badan aan laga jawaabin waayo intooda badan waxay ku dhisan yihiin lab la kac.

“Fadhi ku dirirka waa waxa maanta meeshaan na dhigay..waayo qarankii oo dhan ayaa lagu burburiyey..mana jirto faa’ido laga helayo oo aan aheyn waqti lumis iyo dood ma dhasho ah” ayuu yiri Mursal Cismaan Maxamed oo sheegay in aanu jecleyn in uu goob joog u niqdo goobaha fadhi ku dirirka uuna inta badan uga maagay oo isaga dhaafay tagista goobaha la isugu yimaado.

Dadka qaar waxay u heystaan in ka hadalka goobaha fadhi ku diriirka uu qofka ka dhigayo mid ku fiican gole ka hadalka ugu danbeyntana uu ku soo bixi karo siyaasi odoros wanaagsan leh laakain inta badan arrintu way ka duwan tahay sidaas oo dadka qaar waxay dhex geysaa badaha qabyaaladda

WQ: Mohamed Shiil