MAXAA KA TAQAANAA WADAJIRKA IYO SAAXIIBNIMADA?

Dunida waxaa ku nool in ka badan Toddobo bilyan oo Bini’aadam ah, kuwaa oo ku kala duwan diinta, wadamada, Qoomiyadaha, midabka, dhaqanka iwm.

Haddaba waxaa jiro dad ku kala duwan intaa kor kusoo Xusay, kuwaa oo ah saaxiibo, waxaa laga yaabaa iney mideyso dadkaa dhanka waxbarasharada, shaqada, danaha labada qof oo isku mid ahaato iwm.

haddaba, saaxiibtinimadu waa xariir ka dhaxeeya labo qof iyo in ka badan.

Maalinta Caalamiga ee Saaxiibtinimada adduunka oo dhan waxaa laga xusaa 30-ka luulyo sanad walba.

Maalintan ayaa loo dabaaldegaa si loo muujiyo muhiimada saaxiibtinimada, halka saaxiibada qaar ay is dhaafsadaan haddiyado kala duwan ayagoo isku muujiyo xushmad, Kalgaceyl iyo saaxiibtinimo.

 

Waxaa jira labo nooc oo saaxiib ah.

 

1:  Saaxiib wanaagsan : Markaa heesato saaxiib wanaagsan waxaa heesataa wax aysan heesan badanaa dadka dunida ku nool, waxaana qof ka nasiib badan.

Saaxiibka wanaagsan waa walaal aad dooraneyso oo kula dhalan, waa qof aad isku jaceshihiin sidii in hal waalid idin wada dhalay, waxaa isku hureysaan nafta, markasta waa qof aad ka fakireyso hadduu dhibaateysanyahay iyo hadduu ladanyahay.

Saaxiibkaaga wanaagsan wuxuu kaa reebaa xumaanta, wuxuuna ku tusaa wanaaga, Asagoo kugu soo ridayo wadada toosan marna uusan kugu xad gudbeen oo uu ku dhawrayo sidii hilbo wada dhashay.

Walaalka aad dooratay markasta waa isgarab taagan tihiin xaaladda si kasto ay noqoto iskuma naceysan.

Waxaa jira dad badan oo nolosheena ka baxo, laakiin saaxiibka wanaagsani waa mid ku dhax nool qalbigeena, asagoo ku reebo raadad qurxoon oo wanaagsan.

Wuxuu ogyahay dhan walba nolosheena asagoo og dhanka xun, sidaas aytahay waa mid nagula nool sidaa wuxuuna u badalayaa dhan wanaagsan.

 

Haddaba maxay tahay calaamadaha lagu garto saaxiibka wanaagsan?

1: wuxuu kugu aqbalaa sidaa tahay.

Had iyo jeer kuma dareensiinayo cilladahaaga, sababtoo ah qof walba oo bini’aadam ah wuxuu sameeyaa qalalaad yar yar markasta.

Wuxuu ku dareensiinayaa inuu kugu qanacsanyahay. Asagoo isku dayayo saaxiibka wanaagsani inuu Cilladahaaga xalliyo markasta.

2: wuu kala joogayaa waqtiyada xun asagoona ka maqneen garabkaaga.

Markasta wuxuu ku dadaalayaa inuu kula joogo Inkastoo dhibaatooyin aad soo martay.

Marna ma rabi doonayo inaa kaligaa dareento caqabadaha aad la kulmeyso, mana kaa yeelayo inaa dareento kali ahaansho.

3: Wuxuu ku farxaa guushaada asagoona ka murugooda guul daradaada.

Markaa guuleysato waxaa wajigiisa ka dheehan kartaa farxad xad dhaaf ah, asagoo dareemayo inuu guuleystay.

Halka marka aad guul dareysato aad ka arki karto wajigiisa murugo, wuxuuna isku dayaa inuu kuu sheego guuldaradaan iney wado idin furtay asagoona markaa ku dhiirigeliyo doonayanaa farxadaada.

4: wuxuu isku dayaa inuu kula kulmo waqti kasta.

Had iyo jeer saaxiibka wanaagsani wuxuu isku dayaa inuu kula kulmo haddii aad ka dheertahay si uu kuu arko, waxaa dareeemeysaa inaadan kaligaa aheen qofka kaliys daneenayo saaxiibtinimadiina.

5: Fikradaada taban wuxuu u badalaa mid togan.

Markaa ku fikirto waxyaalo taban wuu ka xumaadaa, wuxuuna isku dayaa inuu u badalo fikradaada mid togan.

Taasi waa sababta aad ugu kalsoonaan karto saaxiibkaaga  runta ah inuu had iyo jeer kuu keeno dareen wax ku ool u ah noloshaada.

6: Markasta waa mid daacad ah.

Wuxuu ku dadaalaa markasta inuu kuu sheego runta, sababtoo runta wey ka wanaagsantahay beenta.

Wuxuu kuu sheegaa waxkasta oo aad u baahan tahay oo runta ku saleysan haddey xitaa ku dhaawaceyso, asagoo kuu sheegayo xilliga ugu haboon oo qof wax loo sheegi karo.

7: Waa uu kuu Sabraa markaa qalad ka gasho.

Cafinta ama sabar ka waa wax aad u wanaagsan, waana wax laga helo dad yar oo fiican. Waa uu kuu dulqaadanayaa xilliyadda xun.

8: Gadaashaada wax kama sheego oo kuma xanto.

Saaxiibka wanaagsan waa mid ku difaaco markaa maqantahay oo wax lagaa sheegayo asagoona kuu dooda adigoona ogeen.

Dadka ugama sheekeenayo xumaantaada iyo meelaha ad ka jilicsantahay ee waa mid ku amaano, sheegana wanaagaaga iyo sifahaaga wanaagsan.

9: Kama hinaasayo haddaa yeelato saaxiib kale.

Markasta aad horumariso saaxiibtinimo dhaw oo lala yeesho dadka kale oo siiso waqti, waa mid aan ka hinaasen

 

WQ: Muxsin Maxamed Cabdulle