Ra’iisul wasaare Rooble oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka masar u fadhiya Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa  kulan kula qaatay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohamed Ibrahim.

Ra’iisul wasaaraha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya shacabka iyo labada dowladood ee Soomaaliya,masar iyo sidii loo sii xoojinta iskaashigooda.