Diyaaradaha Israa’iil oo maanta duqeeyay deegaanka Gaza

Diyaaradaha Israa’iil ayaa manta duqeeyay goobaha Xamaas ee Marinka Gaza ,iyaga oo ka jawaabaya gantaallo laga laga soo tuuray dhulka Falastiin, sida ay sheegeen milatariga Israa’iil.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaare ama waxyeello ka soo gaartay weerarka lagu bartilmaameedsaday deegaanka,waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in la duqeeayay goob laga soo ganay gantaalka iyo xarun ay leeyihiin Xamaas oo ah kooxda siyaasadda ee maamusha Gaza.

Xamaas wax jawaab ah oo degdeg ah kama aysan bixin weerarkaasi ,hasa yeeshee qoraal baraha bulshada lagu daabacay ayaa muujinaya In kooxda Xamaas ay rasaas la beegsadeen diyaaradaha Israa’iil iyagoo ka jawaabaya weerarka.

New Press ayaa sidoo kale sheegtay in saddex goobood ay bartilmaameedsadeen Israel oo ay ku jiraan Beit Hanoun iyo Jabalya.