Itoobiy Hay’ado gargaar oo shaqadii laga joojiyay

Dowlada Itoobiya ayaa shaqada ka joojisay qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee ka howgala gobollo qeybo ka mid ah Itoobiya.

Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayay ku amartay dowladda Itoobiya in ay hakiyaan howlahii ay ka hayeen qeybo ka mid ah Itoobiya laga bilaabo bishan August.

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan aysan heysan ruqsadda loogu ogolaaday in ay qabtaan shaqadan.

Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee MSF ayaa iyaduna sheegtay in saddex bil kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah.

Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay dowladda Itoobiya go’aanka ay shaqada kaga joojisay hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Tigray, halkaasi oo uu sheegay in ay ka jirto baahiyo badan oo dhanka sama falka ah.