Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo magacaabay Xildhibaannada u qaabilsan doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa magacaabay 15 xubnood oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa lagu shaaciyay magacyada 15-ka Xildhibaan ee u qaabilsan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Markuu arkay: Qodobka 34aad iyo 41aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka                    Hirshabeelle.

Markuu arkay: Qodobka 13aad iyo 50aad ee xeer Hoosaadka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Markuu qiimeeyay: Aqoonta iyo Khibradda ay xubnahan u leeyihiin arrimaha doorashada

Wuxuu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay guddiga qabashada doorashad Aqalka Sare.

  1. Xildhibaan Feysal Axmedweli Xasan Guddoomiye
  2. Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal Guddoomiye ku-xigeen
  3. Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim Xoghayn
  4. Xildhibaan Maxamuud Wabar Xasan Xubin
  5. Xildhibaan Cabdifataax Muuse Ibraahim Xubin
  6. Xildhibaan Xaliima Cali Saciid  Xubin
  7. Xildhibaan Aadan Barre  Maxamed         Muuse Xubin
  8. Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle Xubin
  9. Xildhibaan Axmed Cali  Abuukar  Xubin
  10. Xildhibaan Cali  Caddow  Jibriil (Alkutubi) Xubin
  11. Xildhibaan Xasan Cali  Cabdullaahi Xubin
  12. Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar (Cumar gaabow) Xubin
  13. Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane Xubin
  14. Xildhibaan Cabdullaahi Daahir Calasow Xubin
  15. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Maxamed (Xiirane)  Xubin

Halkan ka akhriso lifaaqa Wareegtada