Wasiirka haweenka XFS oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda haweenka XFS Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta kulan gaar ah la qaadatay guddiga loo xil-saaray xaqiijinta qoondada haweenka iyo ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo xubnaha guddiga  xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% oo wada socda ayaa kulanka la qaatay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho waxa ayna kawada hadleeyn sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haweenka ee dhanka siyaasadda iyo qorshaha guddiga iyo wasaaradda ee ku aadan xaqiijinta qoonddada haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Wasaaradda iyo ururrada kale ee haweenka ayaa xusul-duub ugu jira xaqiijinta qoondada siyaasadeed ee haweenka oo ah 30%, maadaama uu dalku galay xilli doorasho.