In ka badan 90 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Tuunis

Ciidamada xeebaha dalka Tuunis ayaa soo badbaadiyay 93 tahriibayaal ah kuwaas oo doonayaya inay si qarsoodi ah tahariib ku galaan qaaradda Yurub.

Dowladda Tuunis ayaa sheegtay in lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo muhaajiriintaan kadib markii ay cillad ku timid doonti ay saarnaayeen.

Dadka lasoo badbaadiyay  ayaa kasoo kala jeeda dalalka Bangladesh, Suuriya, Masar, Ghana iyo Nigeria sida ay sheegtay dwolwada Tuunis.

Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ugu jirta inay ka hor tagto tahriibayaalka  kusoo badanaaya xeebaha dalkeeda kuwaas oo doonaya inay marin ka dhigtaan si ay u gaaraan qaaradda Yurub.