Afganistaan: dagaalka u dhexeeya ciidamada iyo Taalibaan oo sii xoogeystay

Dagaallo u dhexeeya ciidamada Afghanistan iyo Taalibaan  ayaa ku sii fidaya gudaha dalkaasi,iyadoo saddex gobol oo ku yaal koonfurta iyo galbeedka dalkaasi ay wajahayaan xaalado qatar ah oo keeni karta amni daro iyo burbur ku habsada adeegyada bulshada.

Waddanka ku yaalla Koonfurta aasiya ee Afganistaan ayaa ka sii daraya , iyadoo dagaalada u dhaxeeya Taalibaan iyo ciidamada dalkaasi , ay sii xoogeysanayaan xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay doonayaan in ay soo afjaraan bixitaankooda marka la gaaro 31-ka Ogoosto, kaddib 20 sano oo ay joogeen halkaasi.

Dagaallo ka dhan ah Taalibaan ayaa ka socda dalka Afganistaan oo dhan ,waxaana la filaya dhowaan in Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani uu la hadlo  xubnaha baarlamaanka dalkaasi.

Kooxda Taalibaan ayaa hadda isku dayaya inay qabsadaan caasimadaha gobollada, ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay horay u qabsadeen maamulka degmooyin badan.