Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta oo lagu soo bandhigay Camaara

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka Ajaanibta.

Saraakiil ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Camaara, halkaasi oo ay ku qabteen horjooge Jabriil Saciid Cali Saciid, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya.

Horjooge Jabriil ayaa sheegay inuu horey u qafaashay Weriyeyaashii ka kala socday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo uu ka qaatay lacago Madax furasho, ayna jiraan Ajaanib kale oo gacantiisa ku maqan, kana afduubtay meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

howlgalladan ayaa lagu qaarajiyay in ka badan 200 ruux oo isugu jirta maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.