Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Mudane Abdullaahi Abyan Nuur ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo oo ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka sare.

Waxaa garoonka diyaaradaha shaanti Gaduud ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Konfur Galbeed mudane Yusuf Cabdulqadir Maxamed iyo xubno ka tirsan Guddiga

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee gaaray Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee maanta lagu wado in ay ka dhacdo magaaladaas.