Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya AMISOM ayaa tababar u furay qaybaha kala duwan ee warbaahin danabeedka

Moqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya AMISOM ayaa tababar kor loogu qaadayo xirfadda qoraalka iyo fahanka warbaahinta danabeedka u qabtay saxafiyiin ka kala socda wasaaradda warfaafinta,warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka iyo shaqaalaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka arrimaha bulshada & wacyi-gelinta ee Gobolka Benaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti,Maareeyaha machadka tababarrada dowladda hoose ee Xamar Cumar Faaruuq, Agaasimaha guud ee warfaafinta Gobolka Bnaadir Cabdullaahi Wiish iyo Macallin Guuleed oo ah tababare saxaafadeed oo ka tirsan IST