Doorashada kuraasta shan senatar oo maanta ka dhaceysa Baydhabo

Baydhabo- Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in ay magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta ay magaalada Baydhabo ka dhacayso doorashada shan sanator oo  ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Sabtidii la soo dhaafay, ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed wuxuu soo gudbiyay musharixiinta ku taartamayo Shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ay deegaan doorashadooda tahay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka Koonfur Galbeed u rajeeyay in doorashada ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.