Duqeyn lala beegsaday dhagar-qabayaasha Alshabaab

Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale oo kooxda argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Xarardheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda ay galeen saldhigga la duqeeyey.

Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb-galaya ciidamada Qaranka ee kala duwan, kuwa Galmudug, naftood hurayaasha deegaanka iyo diyaaradaha Maraykanka.