Midowga musharaxiinta Haweenka Soomaaliyeed oo ku baaqay in la ilaaliyo qoondada Haweenka ee 30%

Shir ay isugu yimaadeen midowga musharaxiinta Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu ammaanay hoggaaminta hufan ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u wajahayo hanaanka qabsoomida doorashooyinka , waxayna haweenkan madaxda Qaranka ka codsadeen ilaalinta qoontada haweenka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen midowga musharaxiinta haweenka ayaa ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray ilaa iyo afar qodob oo lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee 30%.

  1. In Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu soo saaro bayaan cad oo lagu xaqiijinayo Qoondada Haweenka 30%.
  2. In kuraasta Haweenka loo soo horumariyo doorashada.
  3. In la magacaabo guddi ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo si gaara ah u daba gala xaqiijinta qoondada haweenka 30%.
  4. ugu dambeynta Haweenka ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha inuu siiyo fursad ay kula kulmaan si ay uga dhaadhiciyaan rabitaankooda doorasho.