Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Caabudwaaq

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo si weyn loogu soo dhoweeyay .

Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu soo gaaray Caabudwaaq waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay Maamulka Degmada Caabudwaaq Wasiiro  iyo Mudanayaal Ka tirsan Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay Madaarka Diyaaradaha Degmada waxaa uu ka mahad ceshay soo dhaweynta loo sameeyay.