Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya oo ku wajahan Baydhabo+

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan Dowlad Goballeedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee maanta lagu wado in ay ka dhacdo magaaladaas.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa sabtidii shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare oo maanta isniin ah dhaceysa.