Dib u eegista Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo Dhuusamareeb looga arinsanayo.

Kullan looga arinsanayay dib-u-eegista siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah dhalinyarada reer Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay maanta.

Kullankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha heer Federaalka iyo heer maamul goboleed ee Galmudug.

Muddo labo maalmood ah ayuu kullankan uga socon doona ka qayb galayaal isugu jira rag iyo hablo si gaar gaar ah us oo gudbin doona aragtiyadooda wax galka ah ee muhiimka u ah ku biirinta dib u eegista siyaasada qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo fadhigan ay wadajir u soo agaasimeen Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Federaalka iyo Galmudug.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug ayaa kula dardaarmey dhalinyarada ka qayb galeysa shirkan in ay la yimaadaan wax ku biirin baaxad leh, si la mid ah shan sano ka hor doorkii Galmudug ay ku yeelatey siyaasada qaran.