WARBIXIN: KU SAABSAN CUNTADA CARUURTA U WANAAGSAN

Dad badan oo waa weyn waxay dareemi lahaayeen caafimaad haddii ay cunista dufanka yareeysan lahaayeen.

Dufanka aan dhaqso u milmin waxaa laga helaa xoolaha. Dufankaa aan dhaqso u milmin waxeey ku jiraan caanaha dufanka badan, garoorka, subagga burcadka ah, hilibka baruurta leh, labeenta, jallaatada iyo shukulaatada.

Sido kale dufanka aan dhaqso u milmin waxaa laga helaa saliida dhirta sida saliida qumbaha iyo geed hindiga.

Dufanka aan dhaqso u milmin wuxuu siyaadiyaa khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada.

Dufanka dhaqso umilma wuxuu u wanaagsan yahay jirka. Wuxuuna yareeyaa khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada.

Dufanka dhaqso u milma waxaa laga helaa saliidda dhirta badankeed, subagga dareeraha ah, mallaayga, iyo noocyada lawska.

Khudaarta iyo cagaarka waxaa laga helaa maaddooyin jirku u baahan yahay, sida fiitamiinno, macdan.

Khudaarta ay ka mid yihiin digirta iyo noocyada kabashka waxaa ku jiro fiiberka. Waa wanaagsantahay in maalin walba la cuno khudaar iyo cagaar.

Mallaayga iyo xayawaanka badda waxaa ku badan fiitamiinada iyo macdanta. Waxaa kaloo mallaayga laga helaa dufan lagu magacaabo omega 3, wuxuuna u wanaagsan yahay wadnaha, dhiigga iyo cadaadiska dhiigga aad dooneyso in miisaankaagu uu noqdo mid caafimaad leh, ha badsan cuntada ay ku jirto sonkorta iyo dufanka.

Sidaas darteed, iska ilaali cabidda cabitaannada aashitada sokorta leh iyo cunida nacnaca, bardhada shiilan, doolshaha iyo shukulaatada.

Talooyin ku socdo caruurta Caruurta waxay u ubahan yihiin in la siiyo cunto nafaqo leh kuna cunaan xilliyo go’an.

Si ay si six ah ugu koraan oo ugu weynaadaan, dhallanka cuntada ugu fiican waa caanaha-hooyada (caanaha naaska) ama caanaha loo qaso caruurta yar.

Rugaha daryeelka caruurta waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan cunto caruurta uu wanaagsan.

Dhaqdhaqaaqa iyo jimicsiga Bani aadanku wuxuu caafimaadkiisa ugu baahan yahay in uu dhaqdhaqaaqo.

Jimicsiga waxuu yareeyaa cudurro badan oo ay ka mid yihiin cudurrada wadnaha iyo xiddidada, iyo cudurrada kansarka qaarkood, Jimicsiguna wuxuu kugu kordhinaa farxad.

Jiifka ayaa ku wangaasamaayo, kadeedka ayaa ka yaranaayo, miisaankaaguna ma kuugu kordhaayo.

Dadka waa weyn waa in ay dhaqdhaqaaq socod sameeyaan 30 daqiiqo maalin walba, uma baahnid in aad samayso jimicsi badan si aad u caafimaaddo, waxaa kugu filan adigoo lugeeya.

Carruurtu waxay u baahan yihiin dhaqdhaqaaq ka badan kan dadka waa weyn, Si ay u caafimaad-qabaan waxay ubaahan yihiin 60 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq ah maalin walba.

Kadeed: dad badan ayaa waxay dareemaan kadeed (isteriska), Taasina ma u baahna in ay noqoto arrin khatar ah, Kadeedka wuxuu qofka siiyaa awood badan oo uu ku xalliyo xaaladooyin adag, laakiin haddii uu kadeedkaagu bato wuxuu khatar ku noqon karaa caafimaadka.

Haddii aad dareemeyso kadeed, waxaa wanaagsan in aad marka hore fahanto sababta, markaas waxaa isku dayi kartaa in aad xaaladdaada wax ka baddasho.

Astaamaha lagu garto kadeedka waxay yihiin hurdo xumi iyo adigoo dareensan farxada oo yaraato.

Waxaa kuugu adkaan karta in aad wax isku taxallujiso, xasuustaada ayaa xumaan karta oo waxaa kugu dhici kara calool-xanuun, madaxanuun iyo xanuun qeeybo kale ee jirka ka tirsan.

Haaddii aad dhaqdhaqaaqa badsato, cunto fiican cunto oo in kuugu filan seexato, waxaad jirka ku caawineeysaa in uu ka badbaado kadeedka.

Hurdada Waa muhiim in aad hesho hurdo wanaagsan si aad u dareeynto ficnaansho.

Qofka weyn wuxuu u baahan yahay lix ilaa sagaal saacadood afar iyo laabatankii saacba, Caruurta iyo dhallinyarada waxay u baahan yihiin waqti intaa ka badan.

Waa caadi in qofku dhibaato kala kulmo hurdada, waxaana sabab u noqon karta arrimo badan oo ay ka mid yihiin tubaakada, iyo wax yaabaha kale ee maanka dooriya, cudur, welwel iyo kadeed ama cuntada la cuno xilli danbe.

Waxaad si gaar ah uu sameyn karta si ay hurdada kugu sii ficnaato waa in aad seexato qol mugdi ah, aan buuq laheyn isla markaana qandac ah.

Hurdada waxey ku sii sahlanan kartaa haddii aad iska ilaaliso cunto cunida xilliga aad seexa rabtid, haddii aad seexato aadna soo kacdo maalin walba isla waqtigaas, waxey kuu sahli kartaa in aad hesho hurdo fiican.

Haddii aad xilli dheer hurdada dhibaatooyin kala sii kulantid waxaa fiican in aad raadsatid daryeel caafimaad oo dhakhtarka aad la xiriirto.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen