Jadwalka doorashada Aqalka sare ee K/galbeed oo la shaaciyay

Iyadoo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu shaaciyay Liiska xubnaha u tartamaya Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadana dhinaca kale waxaa la soo saaray jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka sare.

Maanta oo sabti ah waxaa la shaaciyay magacyada musharaxiinta, beri oo axad ahna waxaa la qabanayaa codsiyada tartamayaasha halka isniinta oo ku beegan 2-bisha Agoosto kulansaneyso jeedinta khudbadaha musharaxiinta xubnaha Aqalka sare iyo qabashada doorashada,sida ay sheegeen guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed koonfur galbeed.

 Halkaan hoose ka Akhriso Jadwalka doorashada oo faah faahsan:-