BARAHA BULSHADA GAAR AHAAN TIK TOK-GA OO ISU BEDDELAY BADEECO WAA TII BANAAN TAAL

Baraha bulshada ujeedkii ay ka lahaayeen khubarradii soo aliftay waxay ahayd si loo horumariyo arrimaha bulshada in la helo adeegsi baro bulshadu ay ku kulanto leyskuna dhaafsado aaraada kala duwan iyo firkradaha, taasoo sababtay in adduunka oo dhan dadka ku nool ay noqdaan kuwo hal qol kuwada jira, wixii meel ka dhacana ilbiriqsiyo gudahooda lagu maqlo laguna arko, waa horumar loo baahnaa waana marka laga fiiriyo dhanka horumarka iyo faa’iidada.

Dhanka kale, Waxay Soomaalideennu tiraahdaa Nimco kastaba Nusqaanteed leh, isticmaalkii baraha bulshada waxaa loo adeegsaday si aysan ugu tala gelin dadkii soo ikhtiraacday, waxaana haatan is garab socda u isticaal si khaldan iyo u isticmaal si saxan.

You tube-ka ayaa dadka haatan isticmaala waxay u badan yihiin dhallinyaro iyagoo ka sameeya lacag muqaallada ay soo dhigaan baraha ay ku leeyihiin You tube-ka.

Sidoo kale, Aaladaha leyska arko iyo Mareegaha Internetka, ayaa dunida waxay ku soo kordhiyeen horumar aan caadi marnaba ahayn taasi oo ah tillaabo horay loo qaaday dunidana ay ku diirsatay.

Haddaba, ujeedka maqaalkeyga waxaan uga gon leeyahay kuna saabsan yahay marka laga tago kuwa sida wanaagsan iyo ka faa’iideysa u qaata, waxaa jira in ay soo baxeen dhallin si khaldan oo aan aqlaaqda ku wanaagsaneyn u isticmaala waayadan dambe, gaar ahaan dhallinteenna, waxaana igu kalifay inaan maanta si ficil ah uga hadlo in marka aad aragto dhallintii soomaaliyeed qaarkood oo baraha bulshada soo dhigaya wax aan ku wanaagsaneyn sumcadda ummadda soomaaliyeed, waayo annagu waxaan nahay ummad islaam ah, adduunkuna nagu yaqaan inaan nahay dad boqolkiiba boqol islaam ah oo muwaxidiin ah.

Haddaba, marka qof soomaali ah uu ku dhiirado in uu soo dhigo baraha bulshada wax aqlaaqda ka fog, taasi waxay naga bixineysaa aragti aan la mahdin.

Qofka islaamka ah waxaa looga baahan yahay in uu ilaaliyo sumacaddiisa, Diintiisa iyo tan Waddankiisa.

Haddaba, waxaan si aada ula hadlayaa dhallinta tik tok-ga isticmaasha oo waayadan dambe caadeystay in ay soo dhigaan wax aan lagu farxi Karin kana turjumeynin quruxda soomaalida iyo asluub wanaagga ummadda islaamka ah ee soomaaliyeed.

Waxaa si aada usoo badanaya tik tok-yada gabdhaha soomaaliyeed ay soo dhigayaan baraha bulshada iyagoo halkaasi ka raadinaya waxa loo yaqaanno fiyuus, haddaba walaal fiyuus miyaad quruxdaada iyo jirkaada u soo bandhigeysaa oo caalamka wada tuseysaa, markaad furtaba you tube waxaa kugu soo boodaya wiilal iyo gabdho wada Niikinaya sidii gaaladiina isku xoqonaya.

Waxaa aad u batay niikada waxa loo yaqaanno, niikadu Af Carbeedka haddii loo fiiriyo waxay yeelaneysa magac aad u xun oo wasaqeysan.

Waxaad kaloo arkeysaa dhallinyaro ku dhiiratay in ay soo dhigaan iyagoo sameynaya wax u ek inay dusha iska saaran yihiin, taasoo ay dadka u tusayaan in soomaaliya ay wax waliba iska caadi yihiin oo gabdha iyo wiilasha sidaasi isugu dheg-dhegaan.

Sidoo kale, waxaa jira You tube-yo loo furtay in lagu fasahaadiyo gabdhaha iyo wiilasha soomaaliyeed kuwaasoo sameeya waxa loo yaqaanno Niikada una ek meel si gaar ah looga shaqeysto si looga soo saaro mar waliba filim cusub oo Niiko ah, waa wada macruuf oo qofkii you tube-ka gala uu markiiba arki karo, taasi ma ku tilmaami karnaa anshax iyo Sharaf, adduunkuse managa yeelayaa dad dhowrsan inaan nahay, intaasi oo khaladaad ah waxaa sababaya lacagta fasahaadsan ee loo yaqaanno fiyuuska laga sameeyo you tube-ka.

Waxaa jira dad si wanaagsan uga soo saarta fiyuuska iyagoo u maraya dariiqyo nadiif ah, balse dadka qaarkiis waxay ka gudbeen xeradii iyo xadduudkii loogu tala galay anshaxa, haddaan haatan la qabanna waxay u dhaadhici doonaan oo ay sameyn doonaan wax lama arag iyo lama maqal ah.

Haddaba, inta ay goori goor tahay waxaa habboon in wax laga qabto dhallinta fakatay ee ku dheeleysa magaca ummaddan sharafka badan ee soomaaliyeed una yeelaya waji aysan lahayn.

Aad bay u mahadsan yihiin dhallinta ku faanta magacooda dalkooda iyo calankooda kuwaasoo dunida baraya soomaali waxay ay tahay iyo qaninimada ay ku sugan tahay, kuwa muujiya horumarka iyo quruxda dalka waa kuwa aan aad ugu amaanayo in ay yihiin kuwii qaaday dariiqa saxda ah.

Balse kuwa ardaalka ah ee aan waxba reebin, waxaan leeyahay ka waantooba ficilka xun ee aad la dhex-joogtaan you tube-ka, waayo you tube-ka waxaa fiirsada caalamka oo dhan waa halka ay dunida ka barato waxa aa tahay soomaalinimadaada, dhaqankaada, diintaada iyo horumarkaadaba.

Marka hore, waxaan u sheegayaa dowladda soomaaliyeed in ay fiiro gaar ah u yeeshaan kuwa sumacadda umadda beddelaya, dhaqankeenna iyo diinteenana fool xumeynaya, waana dhallinta ku jirta youtubka gaar ahaan kuwa isticmaala tik tok-ga, waxaana ka codsanayaa in ay ka howlgalaan hay’adaha ku shaqada leh gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada Asluubta qeybaha anshaxa iyo qeybihii faafreebka ee Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasoo la dagaallami jiray soona xir xiri jiray kuwa ku dheelaya anshax wanaagga iyo sumacadda Qaranka.

Dhallinta ku howlan arrintan waxaan uga digaya in ay ka waantoobaan suurad xumeynta dhaqanka suuban ee soomaalida.

Qof soomaali ah hadduu ka soo muuqdo aaladaha leysku yiraahdo baraha bulshada waa inuu u muuqdaa qof Sharaf leh oo qurux badan isagoo ka turjumaya dhammaan ummadda soomaaliyeed, waayo adiga ka muuqda aaladda waxaad u taagan tahay soomaali, markaa walaal haddiiba ay dhacayso inaad ka soo muuqaneyso muuji hankaada iyo qiimaha dalkaada oo ku faan, kuna faafi wax wanaagsan oo dunida kaaga dayato, waayo Meesha waxbaa leysku dhaafsadaa, hanoqdeen waxa aad gudbineyso wax u cuntama dadka ku daawanaya ee dhakac dhakac hala soo istaagin Meesha.

Waxaan rajeynayaa in loo qaato waano iyo wacyigelin dhallinta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa aan kor ku soo xusay in ay wax ka beddelaan hab dhaqanka ay ku socdaan iyo waxa aan ka soo hadalnay oo aan lagu dheelin sumacadda wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed ee quruxda badan sharafkooda iyo sida loo arko.

WQ:Osman Dhiblaawe