Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Britain Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Britain Boris Johnson kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ,arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.