ISIR IYO ISLAAM NACEEBKA OO KU SII KORDHAAYO WADAMADA REER GALBEEDKA.

Inkastoo qarnigii tobnaad iyo wixii kadanbeeyey si caadi ah ay dunida oga jirtay is adoonsi iyo in laga ganacsado dadka adoomadah .

Sanadkii 1884kii ingiriiska ayaa ugu horeeyey in uu joojiyo ka ganacsigii adoomada(slave trade) iyadoo ay sidaasi tahay  ayaa hadana is xig xigay xoreenta dadkii laga ganacsanaayey taasoo ay kahoreesay awoodda Allah subxaana watacaalaa oo xureeyey dadka .

Waxaa soo ifbaxay qarnigii 20aad hab cusub oo lagu riixayo loona muujinaayo cunsuriyad dhanka midabka iyo diinta dadka u haajiray wadamada reer galbeedka iyo carabta.

Waxaa layaab leh qarnigaan 20aad oo dunida hormar dhankasta leh gaadhay ayaa hadana waxaa wali dunida kajidha cunsuriyad midab kala sooc ah .

Waxaa ugu daran sida looyaso ama looliido ee kunool markaasi dalalka Mareekanka , Australia, Canada , Ingriiska, Gariiga, iyo wadama kale oo katirsan Europe iyo Asia .

Baryahan danbe waxaa soo badanaya beegsiga dadka muslimka ah oo ay kadanbeeyaan falalkani dad xagjir ah oo madax martay islaam naceebka .

Waxaa jiray dhacdooyin xanuun badan oo lala beegsaday dadka muslimka ah ee kunool daafaha dunida sida kolkii lala beegsaday tacshiirad dad kutukanaayey masjid ku yaala dalkaasi Niyuuziland ,

Waxaa halkaas ku geeryooday kuna dhaawacmay dad badan oo muslim ah oo cibaadeesanaayey .

Inkastoo lasoo qabtay ee deesanihii falkaasi waxshinimada kadanbeeyey laakiin xukunkiisii aan lagu qancin , mana aha markii ugu horeeysay oo falal ceenkani oo kale ah lagula kaco islaamka .

Waxaa latakooraa oo il ku gubid lagu sameeyaa gabdhaha muslimka ee xijaaban qaarkoodna laturun tureeyo  oo jilbaha dhulka loodhigo qaarbadan dhaawac kasoo gaaray falkaas guracan.

Dalka Canada ayaa dhawaan kadhacay fal naxdin leh oo lagula kacay qoys muslim ah oo dariiqa faras magaalaha marayey ama socday waxaa lala beegsaday oo lagu jiidhay gaari halkaasna waxaa ku naf baxay  afar ruux oo kala ahaa Aabhii iyo Hooyadii iyo laba wiil ay dhaleen halka mid kaliya uu kabaxsaday falkaas arxandarada ah ee lagula kacay qoyskaasi muslimka ahaa tasoo dadfbadan oo kunool dalkaas ay ka careesiisay , waxaa dad badan ee dalkaasi dagan iskugu soo baxeen banana bax looga soo hporjeedo islaam naceebka oo ku soo kordhaayo dalkaasi.

Raiisal wasaaraha dalka Canada (Justin Trudeau) oo arrintaan kahadlay ayaa ku tilmaamay fal aan la aqbali Karin oo kabaxsan xoquuqul iinsaan wuxuu intaa ku daray in arintaasi oo kale in ay dhacdo laga fiirsan doono ayadoo baaris lagu sameen doono wixii dhacay.

Waxaa meelabadan ee kadhacdaa in lagu xardho ereyo kadhan ah islaamka oo lagu qoro macbadyada ama goobaha islaamka ku cibaadeestaan iyo meelaha muslimiinta ay kubadan yihiin oo warqadaha lagu dhajiyo oo muujinaayo hadalo islaam naceeb ah waana arin aan loo dul qaadan Karin.

Dadka laga tira badan yahay ee madowga ah ee kunool mareekanka ayaa sidoodaba lagula kacaa fal arxan daro ah oo lagu qaarajinaayo taasoo markii ugu horeesay ay soo ifbaxday ceebta booliiska markii laga duubay filim boliiska kula kaceen jooj folood jilibka qoorta ama luqunta jilibka laga saaray ilaa uu kanafbaxay falkani oo markii ugu horeesay maxkamd lasoo taagay eedeesanihii kowaad  kadib markii banaan baxyo layaab leh ay kadhaceen gobolo badan oo katirsan dalka mareekanka xukunka lagu riday ayaa dadbadan oo kunool wadan kaasi ay soo dhaweeyeen in kastoo dadbadan aysan ku qancin xukun kayar sodon sano waana qaabka reer galbeedka oo nafna naf loogooyn badalkeeda .

Arinta sikastaba ha ahaatee waxaa dalalka reer galbeedka ku soo badanaayo falal cusrnima ah oo iskugu jira islaam naceeb iyo midib kala sooc waana mid ee tahay in ddimaha la xaqdhowro taasoo ah mid lamna huraan ah oo ay kadhaxeeso dadka heysto diimaha  kala duwan mida kale cadaanka kama sareeyo madowga , madowgana kama sareeyo cadaanka laakiin gaalada yeelkadoodii.

WQ: Ibraahim Abuukar fanax