Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qayb galay falanqeyn ku saabsan waxbarashada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah Madaxda ka qeyb qaadaneysa Shirka Caalamiga Waxbarashada ee London ayaa ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan waxbarashada oo ay ku wehliyeen Madaxweynayaasha dalalka Sierra Leone iyo Niger.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay, in khilaafaadka iyo masiibooyinka dabiiciga ee ka jiray Soomaaliya sanado badan ay si weyn u ragaadiyeen waxbarshada gaar ahaan xilligii uu sida weyn sare ugu kacay Cudurka Carona dunida oo dhan taas oo ay Soomaaliya u dheer tahay dagaalka ay kula jirto kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.