Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed Cirro ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee maanta ku qabsoontay doorashada Golaha Aqalka Sare oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiye Maxamed Xasan ayaa Alle ka baryay in ay guul ugu soo dhamaato inta ka dhiman doorashooyinka, isagoo xusay in culeys weyn uu ka degay dhamaan guddiyada maadaama la doortay Xubnihii Aqalka Sare ee ugu horeeyay.

“Waxaan u mahad celinayaa Alle, waxaan dareemayaa in culays weyn uu ka degey Wadankayga, dadkayga iyo guddiyada doorashada markii maanta la doortay xubnihii Aqalka Sare ee ugu horeeyey, waxaan bogaadinayaa dadka wanaagsan ee meeshay wax marayaan soo gaarsiiyey, inta inoo hartay guul iyo wanaag ayaan Alle uga baryi.” Ayuu yiri Guddoomiye Cirro.