Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka oo kormeer shaqo ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornayl Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye oo uu kormeerkiisa shaqo ku wehliyey Agaasimaha Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda mudane Cabdiraxmaan Caadle, ayaa waxaa Safaaradda si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Nairobi mudane Cumar Xuseen Cali  iyo Madaxa xaafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradda mudane Xasan Nuur Xasan,  kuwaas oo uga warbixiyey xaaladihii ay Safaaraddu soo martay muddadii ay xirneyd iyo marka hadda dib loo furay howlaha shaqo ee horyaalla.

Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Saraakiisha Hey’adda Socdaalka ee  ka howlgasha xaafiiska bixinta baasaboorka ee Safaaradda kula dardaarmay iney si hufan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida weyn u qaba adeegga Hey’addu bixiso, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii loo daboooli lahaa culeysyada faraha badan ee horyaalla xaafiiska bixinta baasaboorada ee Safaaradda.