Jubbaland oo soo gabo gabaysay wejigii koowaad ee doorashada kuraasta aqalka sare

Wejigii koowaad ee doorashada kuraasta aqalka sare Soomaliya oo maanta ka qabsoomtay maamul goboleedka jubaland ayaa goor dhowed soo gabo gabowday, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland mudane, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada afarta Senator ee maannta doorashooda la qabtay kuwaas oo ay ku guulaysteen.

1 :Senator Iftin Xasan Baasto

2: Senator Ilyaas Baddal Gaboose

3: Senator Cabdullahi Shiikh Cismaancil Fartaag

4: Senator Cabdirisaaq maxamed Cusmaan

Kuraasta maanta doorashadooda la qabtay ayaanay haba yaraatee ka muuqan qoondadii Haweenka,Xaliimo jaamac maxamed oo ahayd Haweeyneyda Kaliya ee Ka qeybgashay Tartanka ayaa Heshay 12 Cod iyada oo uu ka Guuleestay Sanater Cabdirisaaq maxamed Cismaan