Madaxweyne Lafta-gareen oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Lafta-gareen oo muddoo kooban ku hakaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa usii ambabaxay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaarka ah ee maamul goboleedka koonfur galbeed.