Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Aadan Cali

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cismaan Abuukar Dubbe waxa ayaa ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Aadan Cali Xasan oo ku geeriyooday degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sheekh Aadan waxa uu ahaa daaci inta badan noloshiisa ku bixiyay inuu wacyigalin iyo duruus diini ah bulshada Soomaaliyeed marsiiyo, wuxuuna muddo dheer ka howlgalayay Radio Muqdisho.