Dowladaha Labada Kuuriya oo dib u furayo khadadka isgaarsiinta ee ka dhaxeeyay labada Dal.

Labada Kuuriya oo ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday subaxnimadii hore ee saakay in dib loo furayo khadadka isgaarsiinta ee kala dhaxeeyay Kuuriyada koonfureed.

Wakaaladda wararka Kuuriya Waqooyi, ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay diyaar u yahiin in dib losoo celiyo xiriirkii walalknimo ee ka dhaxeeyay Kuuriyada Woqooyi iyo tan Koonfureed.

Bayaan ay si wada jir ah u soo sareen ayaa lagu sheegay in leysku raacay furitaanka dhammaan khadadka xiriirka ee labada Kuuriya.

Sidokale Bayaanka waxaa lagu xusay in hoggaamiyeyaasha Waqooyiga iyo Koonfurta ay isku raaceen in ay qaadaay Mas’uuliyadda hirgalinta tallaabo dib loogu soo celinayo kalsoonida labada dhinac iyo kor u qaadista dib-u-heshiisiinta, iyadoo loo marayo isweydaarsiga farriimaha Diblomaasiyadeed ee labada dal.

Tallaabada ugu horeysa ee lagu soo celinaya xiriirk laban dal ayaa lagu sheegay in ay tahay isu furida Khadadka Isgaarsiinta, kaa oo lagu eedeeyay in xukuumadda Pyongyang sanadkii la soo dhaafay ay guud ahaanba meesha ka saartay khadkii Isgaarsiinta ee ay la laheed deriskeeda Kuuriyada koonfureed iyadoo u sababeysay xiriirka labada dal oo xilligaas kacsan.